Lataliyihii Arimaha Doorashooyinka ee Farmaajo oo laga soo celiyay Garoonka Kismaayo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Jubaland oo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo u Diiday Lataliyihii Arimaha Doorashooyinka ee Farmaajo.

Diyaarad uu saarnaa Cabdi Cali Raage Oo ah la Taliyaha arimaha Doorashooyinka Madaxweyne Waqtiga Kadhamaaday ee Farmaajo una taagan mid ka mida kuraaata Golaha shacabka ee yaala Kismaayo ayaa laga soo celiyay garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland, ayaa ku wargeliyay diyaaradaha aadaya Kismaayo in aysan soo qaadi karin musharax Xildhibaan Cabdi Cali Raage.

Waxaana Diyaaradda iyo rikabkakii saarnaa oo uu ka mid yahay Cabdi Raage lagu Celiyay Magaalada Muqdisho.

Cali raage ayaa horey u ahaa lataliyaha madaxweynaha Jubbaland Axmed islaam Axmed Madoobe.