Kismaayo-Ayaamaha-Guddiga Xuduudaha iyo doorashooyinka maamulka Jubaland ayaa xalay ku dhawaaaqay magacyada Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulka Jubaland, kuwaasoo mudooyinkii u danbeeyay soo xuliostoda ay ka socotay Kismaayo.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Guddiga doorashooyinka Jubbaland Axmed Cumar Maxamed ayaa akhriyay Magacyada Xildhibaannada Cusub oo gaaraya 73 mudane,waxaana uu sheegay in laba Xubnood ay Baarlamaanka Cusub ka harsan yihiin,kuwaas loo hakiyay sababo farsamo aawgeed.

Waa Baarlamaankii labaad uu yeesho  Maamulka Jubbaland tan iyo markii la Aas’aasay,waxaana la filayaa inay Xidhibaannada doortaan Madaxweynaha Cusub ee uu yeelanayo Maamulkaas.