Lix kamid ah doorashada kuraasta Golaha shacabka oo lagu qabanayo Kismaayo

Gudiga doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland

KISMAAYO-AYAAMAHA-Waxaa magaalada Kismaayo maanta lagu dooranayaa lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Kismaayo.

Lixdan kursi ayaa waxaa ku tartami doona illaa 12 musharax oo aan ka mid ahayn xildhibaanadii hore ugu fadhiyay iyadoo xildhibaanadii afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiday kuraastan la sheegay in laga reebay.

Kuraastan ayaa waxaa ka mid ah;

#Hop107 Waxaa ku tartamaya Maxamed Sheekh Nuur Cismaan iyo Xasan Cismaan Aadan iyadoo hore ay ugu fadhiday Xaawo Maxamed Aadan.

Hop114 Waxaa ku tartami doona doona Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi,hase yeeshee waxaa kursigan hore ugu fadhiyay Cabdulqaadir Maxamed Cismaan oo laga reebay inuu tartamo.

#Hop120 Waxaa ku tartami doona Asad Cabdirisaaq Maxamed iyo Saciid Cabduqaadir Shukri, iyada oo meesha laga saaray Xildhibaankii horay ugu fadhiyay ee C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) .

#Hop111 Waxaa ku tartamaya kursigan Cabaas Cali Ibraahim iyo Aadan Mursal Cadoow waxaana laga reebay Maxamed Nuur Iftin Shambara oo hore ugu fadhiyay kursigan.

#Hop 028 Waxaa ku tartami doona kursigan oo la siiyay shahaadada Cabdinuur Cali Aadan iyo Axmed Cabdi Maxamed iyadoo uusan ka mid ahayn musharaxiinta tartamaya xildhibaankii hore ugu fadhiyay Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir.

#Hop 093 Waxaa ku tartami doona kursigan Saciid Maxamed Cali iyo Mahad Nuur Xaaji Cismaan iyadoo uusan musharaxiinta ka mid ahayn Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo hore u soo noqday Wasiirka Diinta iyo Ow qaafta.

Waxaa ka socda maamul goboleedyada doorashada golaha shacabka iyadoo shalay lagu doortay shan xildhibaan magaalada Garowe sidoo kalana la shaaciyay in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ay ka dhici doonaan doorasho.

Hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax doorasho golaha shacabka ah oo ka dhacay dowlad goboleedka Hirshabelle balse waxaa dhawaan la shaaciyay illaa 11 kursi oo dhawaan doorashadooda ka dhici doonta magaalada Jowhar.