Qaar ka mid ah dadka ugu taajirsan Maraykanka ayaa ku baaqay iney musharrixiinta madaxweynaha ay loollankooda ku darsadaan sidi ay dadka taajirka ah canshuur badan uga qaadi lahaayeen si meesha looga soo saaro sinnaan la’aanta jirta iyo isbeddelka cimilada.

“Mareykanku wuxuu leeyahay waajibaad, anshax iyo mas’uuliyad dhaqaale oo ka saaran iney hantida aan leennahay ay canshuur dheeraad ah ay ka qaadaan hantida aan leennahay,” ayey taajiriintu yirahdeen.

Taajiriinta codsigooda u gudbiyey xukumadda Mareykanka oo si wada jir ah u saxiixay warqadda waxaa ka mid ah George Soros, Aasaasaha labaad ee Facebook Chris Hughes, Molly Munger oo ah gabar uu dhalay ninka bilyandheerka ah ee Charlie Muner.

Waxayna kooxdu sheegeen soo jeedintooda iney ku taageereyn musharrax madaxweynanimada xisbiga uu doonaba ha ka soo jeedee.

Xubnahan waxay warqaddooda qoraalka ah ku shegeen: “Canshuurta dheeraadka ee aan dooneyno in nalaga qaado waxaa wax lagaga qabanayaa isbeddelka cimilada, laguna xoojinayo xorriyadda dimuqraadiyadeed. Canshuurta la qaadana loo isticmaalo danaha guud ee qaarankeenna.”

18 Tujaar ee fikirkaasi soo jeedisay waxaa ka mid ah Walt Disney iyo Mulkiilaha huteellada caalamiga ee Hayatt hotel. Waxaana tujaarintaasi sheegeen iney ka go’an tahay in canshuurta cusub wax looga qabto isbeddelka cimilada iyo in lagu yareeyo farqiga dhinaca hantida ee u dhaxeeyo dadka faqiirka iyo dadka maal qabeenka ah.