MUQDISHO-AYAAMAHA-Maamo Gabadheeda Ushaqeyn jirtay Gobolka Banaadir Kuna Dhimatay Qaraxii Soobe ayaa soo bandhigtay in guriga ay leedahay gabadheeda laga xoogey kadib dhimashadii gabadheeda.

Allah u naxariista Ganadha ayaa la soo shaqeysay seddex guddoomiye oo kala ah Muungoob, Madaale iyo Yariisow.

Maamada ayaa sheegtay in xoog loogu haysto guri ay u gaday gabadheeda inta aysan dhiman kahor.

“Gabdheyda hadii aan ku waayay qaraxii 14 october ee soobe iyada oo u shaqeyneesay qaranka, hadda waxaa laygu heystaa dhulki ay ii gaday, rag shaati dowlad ku labisan ayaa ii xoog sheeganaaya”

Dadka u xoog sheegtay maamada ayey magacyadooda ku sheegtay Cabdiraxaan sheekh cabdullahi iyo Awaysy sheekh Cabdullaahi oo walalo ah.

Aweys Sheekh Cabdullahi ayaa la sheegay inuu ka shaqeynaayey Maxkamada gobolka Banaadir sidaas darteeda Cabdiraxmaan uu garab ka haysto walalkiisa.

Ma ahan markii ugu horaysay sidan oo kale dad ka cabanaya in dhulkoodii ay lahaayeen laga boobay oo loo xoog sheegtay.