Maanta o khamiis ah ayaa la filayaa in Magalada London ee dalka Ingiriiska in lagu qabto Shir ay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya sheegtay in lagu soo bandhigayo sahminta lagu sameeyay Shidaalka Soomaaliya,hayeeshee shirkaasi uu muran badan dhaliyay.

Siyaasiyiin badan iyo qaar kale oo ka mid ah Xisbiyada siyaasaded ee dalka ka jira ayaa kasoo horjeestay shirkaas,halka kuwo kale ay taageereen,waxaana shirkaasi ka qeybgalaya Madax ka socota Dowladda Federaalka,Dowlad Goboleedyada iyo sidookale Shirkado Shisheeye.

Qaar ka mid ah matalayasha Dowlad Goboleedyada,Koonfur Galbeed,Hir-Shabeelle,Galmudug,Puntland iyo Jubbaland ayaa u ambabaxay Magalada London si ay shirkasi uga qeyb galaan, walow siyaasiyiinta kasoo jeeda maamul goboleedyada ay ka digeen shirka arimaha shidaalka Soomaaliya ee Londan .

Xubnahaas oo ka hor safarkooda la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in shirkaasi laga fidiyay warar been abuur ah,isla markana uusan aheyn mid lagu xaraashayo xirmooyin ka mid ah Shidaalka Soomaaliya.