Muqdisho-Ayaamaha-Gudoomiye Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir Maxmed Cabdullaahi Tuulah iyo Xoghaya Maamulka Gobolka Banadir Cumar Cabdirsaq Xuseen ayaa xalay siwadajir u Kormeeray qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ujeedka Kormeerka ayaa waxaa uu ahaa xalaada guud ee kajirta degmooyinkaasi iyo roobkii saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Tuulax ayaa kormeeray degmooyinka Hodan, Howl-wadaag,Wadajir, Xamar Jajab iyo Dharkeenleey.

Tuulax ayaa kawarbixiyay Kormeerkasi kadib Mar uu ka hadlayay ayaa waxa uu yiri:

”Waxaan sameynay kormeer aan ugu kuurgalayno xaalada iyo saamaynta ay yeesheen roobabkii saacadihii u dambeeyay ka da’ayay magaalada,waxaa gurmad ugu fidineynaa dadka uu roobka saameeyey ayuu yiri”Tuulax.

Magaalada Muqdisho ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka da’aayey roob saameyn ku yeeshay Bulshada ku dhaqan Magaalada, waxaa uuna biyo dhigey wadooyinka qaar kuwaas oo uu xiray.