Muqdisho-(Ayaamaha)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa waxaa uu ka hadlay dhacdo aad u xanuun badan oo ka dhacay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiye yariisow ayaa waxaa uu sheegay in Maanta Isbitaalka Wardi Community Hospital ee ku yaalla Xamar Jajab loo diiday inay ku dhasho Haweeney Xaamilo aheyd,isla markaana ay ku umushay isbitaalka hortiisa.
Hooyadaan lagu magacaabo Khadro ayaa iyadoo fool heyso waxa ay timid Isbitaalka waxaana ay dhaqaatiirta u Sheegtay in ay fool tahay sidaa daraadeedna ay u baahan tahay in ay ka umuliyaan Dhaqaatiirta, laakiin Nasiib darro Maamulka Isbitaalka ayaa Khadro u sheegay in ay bixso lacag dhan $20 (labaatan dolar).

Khadro ayaa waxaa ay ka dhalatay qoys dan yar ah ayaa dhaqaatiirta ka codsatay in aysan heysan lacagtan laakiin hadii lagama maar maan ay tahay ay bixin doonto lacagtan ay Sheegteen Maamulka Isbitaalka Wardi.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Hooyo Khadra Maxamud iyo Cunideeda yar Xaaladood Caafimaad haatan ay aad u wanaagsan tahay,iyagoona ku jira Isbitaalka.

Hayeeshee waxa uu xusay in marnaba aan la aqbali doono in Muwaadin Soomaaliyeed oo xaalad deg deg ah ku jira loo diido goob caafimaad,isagoona falkaas si kulul u Cambaareeyay.

Ugu dambeeyn, Eng Yariisow ayaa sheegay in Maamulka Isbitaalka Wardi Community Hospital loo gudbin doono Hay’adaha Dembi baarista dowladda,si sharciga loo horgeeyo,isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.