Muqdisho-Ayaamaha-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta Saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeenleey waxaa ay kusoo bandhigeen, Lix ruux oo lagu eedeeyay inay ahaayeen Burcad iyo hub ay wateen.

Goobta lagu soo bandhigayay Burcad iyo hubka ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha G/Banaadir, Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya & Mas’uuliyiin kale,waxaana Maamulka gobolka Banadir uu hubka iyo Ragga burcada ahaa uu ku wareejiyay Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in mamulka gobolku uu dagaal iyo daba gal xoogan ku hayo kooxaha Burcadda ah ee dadka ku dhibaateeya gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in maamulka iyo hey’adaha Amnigu ay talaabo ka qaadi doonaan, sidoo kalana qofkii ka daba yimaada ruux lagu soo qabtay falal amniga liddi ku ah ay isagana u aqoonsa doonaan Burcad kalkaal.