Jowhar-Ayaamaha-Madaxweyne kuxigeen Hirshabeele Cali Cabdullahi Xusseen Guudlaawe ayaa ka hadlay doorashada soo socota oo Madaxda Dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay noqoneyso mid qof iyo Cod ah.

Guudlaawe ayaa waxaa uu xusay in ay taageerayaan,isla markaana raali ka yihiin howlaha uu hayo Gudiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo kulamo wacyi gelin doorashoyinka ah ka wada Dowlad Goboleedyada ka jira dalka.

Cali guudlaawe ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Hirshabeele ay taageersan tahay sharciga doorashooyinka oo dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka dowlada federalku meel mariyeen isla markaana Madaxweynuhuna saxiixay.

Guudlaawe ayaa hadalkaan waxaa uu ka sheegay kulan looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.