Maamulka iyo Booliska Gobolka Banaadir oo diiday Banaanbax lagu qaban rabay Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Duqa Magaaladda Muqdisho oo Fulinaya rabitaanka Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa sheegay in Ciddii qabata Bannaanbax loo aqoonsan doono iney kasoo hor jeedaan nabadda qalqalna galinayaa Ammaanka Xamar, wuxuuna yiri ma aqbalayno Bannaanbax.

Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa faray taliyaha Booliska gobolka Banaadir General Farxaan Qaroole in la hor istaago isku soo baxaasi oo ay mucaaradka diyaariyeen.

Dagaal siyaasadeed cusub ayaa ka dhex qarxi doona Rooble & Farmaajo marka loo eego dibad baxa la diyaarinayo oo midna diidan yahay inuu dhaco midna ogolaaday.

Inkastoo la ogaan karin cida heli doonta libinta dibad baxa inuu dhaco ama la baajiyo hadana waxaa laga digayaa in qalalaase Xamar loo horseedo iyadoo dano siyaasadeed la fulinayo.

Waxaa kaloo isaguna fadhiyey goobta shirka, Farxaan Qaroole Taliyaha qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir oo warkaas ku raacay Cumar Filish Duqa Muqdisho islamarkaana u hanjabay dadka shacabk ah.

Fiqi oo kamid ah Mucaaradka ayaa ah qabanqaabiyaasha waaweyn ee Bannaanbaxaas kamid ah iyo waliba dhalinyaro hal door ah.

Waxaa dhanka kale xusid mudan in xukuukumadda Soomaaliya ay raali katahay banaabaxan islamarkaana ay gadaal ka riixeyso.