kismaayo-Ayaamaha-Maamulka Jubbaland oo war kasoo saaray shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa sheegtay in aan loo dulqaadan doonin dhibato ay sheegeen in ragaan ay ku hayaan iyaga oo u danaynaya dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta mamaulka Jubbaland ayaa sheegay in maamulku muddo 6-bil ah uu u adkeysanayay raggaan uu uu sheegay in ay u adeegaan dowladda islamarkaana ay fuliyaan rabitaankeeda.

Dhinaca kalana wasiirka Warfaafinta ee Jubbaland Cabdi Xuseen Maxamed ayaa tilmaamay in laga soo gudbay xiligii dulqaadka iyo isku turidda masuuliyadda wixii halkaa ka dhacana ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig iyo Cabdi Naasir Seeraar ayaa labaduba waxaa ay taageerayaashooda Magaalada Kismaayo ugu doorteen Madaxweynaha Jubbaland,waxaana shalay Kismaayo dagaal kooban uu ku dehxmaray Ciidamada C/Naasir Seeraar iyo kuwa Maamulka Jubbaland.