Maamulka Jubbaland oo shacabka u diray digniin la xiriirta la macaamilka Al-Shabaab

KISMAAYO-AYAAMAHA-Shir ay isugu yimaadeen Golaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo shir gudoominayey Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka.

Shirka amniga Jubbaland ayaa waxaa laga soo saaray digniin adag oo la xiriirta la Macaamilka Al Shabaab, Digniinta ayaa sigaar ah u quseysa odayaasha dhaqanka oo la faray in aysan wax wadashaqeyn ah la yeelan karin Al-Shabaab xilli loo diyaargaroobayo Doorashooyinka Dalka.