Garowe-Ayaamaha-Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka inay si degdeg u joojiyaan faragelinta ay ku hayaan geeddi socodka doorashooyinka dowlad Jubbaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne Deni, ayaa lagu sheegay in dowladda Puntland ay aad uga walwalsan tahay hab-dhaqanka hoggaamineed ee madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo sida ay Puntland sheegtay ka hor-imaanaya in dalku yeesho dowladnimo ku dhisan hirgelinta sharciga.

Puntland ayaa Sidoo kale sheegtay in madaxda Villa Somalia ay ku hawllan yihiin, burburinta dowlad goboleedyada dalka iyo iska horkeenidda shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa waxay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen in qoondada deeqaha caalamka ay u adeegsanayaan inay ku burburiyaan maamulada, dalkana kaga abuuraan xasillooni darro, si ay u gaaraan dano gaaban oo ku aadan doorashooyinka 2020/2021.

 

Hoos Ka Aqriso Qoraalka