Muqdisho-Ayaamaha-Dowlad goboleedka Puntland ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay oo ka hadlay xayiraad maanta lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo xubno la socday loo diiday diyaarad ay ku safrayeen inay u duusho magaalada Kismaayo

Maamulka Garowe ayaa waxa uu tilmaamay in falalkaas ay yihiin kuwa gebi ahaanba baalmarsan dastuurkha qabyadda ah ee uu dalku leeyahay kaasoo xeerinaya xuquuqda muwaadinka ee socdaalka.

“Falkan waxa uu ka soo horjeedaa Dastuurka Soomaaliyeed gaar ahaan qodobka 21aad,farqadihiisa 1aad iyo 2aad ku saabsan xoriyada isu socodka muwaadinka.”ayaa lagu sheegay qoraalka.

Hadalka Puntland ayaa imaanaya iyadda oo uu magaaladda Muqdisho uu shir uga socdo Sheekh Shariif, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaano kale oo mucaarad ah, kuwaasi oo go’aano soo saaraya.

Hoos ka akhriso qoraalka