Boosaaso-(Ayaamaha)-Wasiirka wasaaradda maaliyadda Maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in masuuliyiinta ku tagri fala xoolaha dadweynaha iyo habka ay puntland kula dhaqmi doonto, isagoona sheegay in la toogan doono dadka ku kaca musuq maasuqa.

Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay xabsiga dhigtay xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland oo ku eedaysan inay galeen falal musuq maasuq la xiriira ayna digniin u tahay qof walba oo musuq maasuq ku kaca

Wasiirka Maaliyadda maamulka Puntland ayaa sidioo kale sheegay in ay jiraan shaqaale ka tirsan wasaaraddiisa oo loo xiray musuq maasuq isagoo xusay in maxkamad la horgeyn doono dadkaasi ku eedaysan musuq maasuqa.

Xasan Shire wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Maamulka Puntland ayaa hadalkan waxaa uu ka sheegay kadib markii uu kormeeray shaqada ka socota dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.