Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland ay albaabada ay isugu dhufteen xafiis uu dhawaan siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Cabdishakur Warsame uu  ka furtay magaalada Garoowe ee Xaruunta Maamulkas.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in maalmo ka hor ay Maamulka Puntland  albaabada ulaabtay xafiiskaasi oo ay tilmaamtay inaan ogolaansho laga haysan dowladda hoose ee Garoowe ee Puntland taasoo keentay in albaabada layskugu dhufto.

Mid kamid ah saraakiisa Puntland ee xogtaan laga helay ayaa yiri “Waxay ahayd Cabdiraxmaan Cabdishakuur, haddii uu xafiis ka furanayo Garoowe ama Puntland inuu soo maro nidaamka dowladnimo ee Puntland, Puntland ma ahan meel fowdo ah oo cid  kasta ay xafiis ka furan karto.”

Maamulka Puntland ayaa Sidoo kale waxaa la tilmaamayaa in joojisay in Garoowe laga furto wax xafiis siyaasadeed ah oo ka baxsan maamulkaas ilaa amar dambe.