MUQDISHO-AYAAMAHA-Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda ayaa warbixin uu soo saaray uga hadlay caqabadaha hor-taagan in Soomaaliya laga qabto doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna soo bandhigay nidaam lagu beddeli karo, haddii ay sidaas dhici weyso.

Hoos ka aqriso Qoraalka Machadka Heritage

Habka Ka-Qeybgalka Ballaaran (Expanded Participation Model)

Iyadoo laga shidaal-qaadanayo qeybaha muhiimka ah ee Xeerka Doorashooyinka, Machadka Heritage waxa uu soo jeedineynaa hannaan kale oo lagu maareyn karo doorashada soo socota ee 2020, waxaana ugumagac-darnay “Habka Ka-Qeybgalka Ballaaran”. Wuxuuna u shaqeynayaa sidan:

  • Maaddaama uu xeerka doorashadu u xirayo kursi kasta beesha heysata inay ku tartanto, beel kasta oo uu kursi ka dhexeeyo waxay soo magacaabeysaa 1000 qof oo codeeya. • Kunkaas qof uma codeynayaan kursiga beeshooda oo kaliya. Waxaa lagu darayaa ergada kale ee maamul-goboleed-kooda ka imanaysa.
  • Tusaale, Maamul-Goboleedka KoonfurGalbeed waxaa taal 69 kursi. Habka aan soo jedinnay, waxay noqoneysaa ergada KoonfulGalbeed 69,000 oo qof oo ka yimid dhammaan beelaha uu maamul-goboleedkaasi ka kooban yahay. Tiradaas ah 69,000 ayaa u codeynaysa dhammaan xildhibaannada gobolka. Marka loo barbar-dhigo sanadkii 2016, 51 ergo ah ayaa dooratay xildhibaan kasta.
  • Sidoo kale, Puntland waxaa codeynaya 40,000 qof maaddaama ay taal 40 kursi.
  • Galmudug waxaa codeynaya 36,000 qof maadaama ay taal 36 kursi.
  • Hirshablle waxaa codeynaya 37,000 oo qof halka ay Jubaland codeynayaan 39,000.
  • Habkani wuxuu soo jedinayaa in kursi kasta oo aqalka hoose ah ay u codeeyaan ugu yaraan 35,000. Habkani wuxuu kordhinayaa tirada u codeyneysa kuraasta aqalka hoose oo aheyd sanadkii 2016 14,025, wuxuuna gaarsiinayaa tirade 221,000 oo qof. Kunka qof ee ergada ama wax-doortayaasha ah waxa ay ka koobnaaneysaa qaybaha kala duwan ee bulshada sida odoyaasha dhaqanka, haweenka, dhallinyarada, bulshada rayadka, ganacsatada iyo muwaadiniinta kale. Odoyada dhaqanka iyo siyaasiyiinta iyo Guddiyada Doorashooyinka ayaa ka heshiinaya hannaanka lagu soo xulayo kunka qof.

Habka Ka-Qeybgalka Ballaaran waxa uu xaqiijinayaa in dad badan ay codkooda dhiibtaan, taasina waxa ay keeneysaa in musuqu uu ka yaraado sidii hore. Habkani waxaa kale oo uu sahlayaa in qoondada dumarka la xaqiijiyo iyo metalaadda Soomaaliland ay la mid noqoto kuwa kale ee xildhibaannada ah.

Doorashadu waxay ka dhacaysaa saddex magaalo oo ka mid maamul-goboleed kasta. Tusaale, Galmudug waxa ay ka dhaceysaa Dhuusamarreeb, Gaalkacyo iyo Caabudwaaq; Puntland waxa ay ka dhaceysaa Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso. Tani waxa ay keeneysaa in la sii hagaajiyo nidaamka doorashada waayo waxaa doorashada ka qeyb-galaya dad badan, waxayna kobcineysaa metalaadda gobollada yareyneysaana mid qabiilka, maaddaama dadka dooranaya xildhibaanka ay u badan yihiin dad aan ku beel ahayn.

Waxaa kale oo aan soo jeedineynaa in xisbiyada siyaasadda kaalin la siiyo xitaa haddii aan la dhameystirin xeerka xisbiyada. Diiwaan-gelinta kumeel-gaarka ah waa ay ku hawl-geli karaan. Xisbiyadu waxa ay soo gudbinayaan liiska dadka ku tartamaya magacooda hadba inta kursi ee ay ka tartamayaan. Sidoo kale, xisbiyadu waxa ay ka qeyb-qaadan karaan soo xulista ergada oo ah 1,000 qof kursi kasta. Maalinta doorashada musharax kasta waxaa lagu daabacayaa warqadda codeynta musharraxa iyo xisbiga uu ka tirsan yahay si ay dadka wax dooranayaa u aqoonsadaan qofka ay u codeynayaan.

Doorashada Aqalka Sare

Sida dastuurku qabo, waxa aan soo jeedineynaa in ergada gobolladu ay soo doortaan xildhibaannada aqalka sare ee dooranaya aqalka hoose. Sanadkii 2016, madaxweynayaalka maamul-goboleedyada ayaa laba ama saddex qof soo xulayey, markaas baa baarlamaannada gobolladu u codeeyeen. Doorashada soo socota waxaa kale oo aan ku talinaynaa in qof kasta oo ka mid ah beesha kursiga la siiyey oo xisbi ka tirsan oo soo buuxiya shuruudaha uu u tartami karo aqalka sare.

Gunaanad

Shaki kuma jiro baahida ay dadka Soomaaliyeed u qabaan doorasho xor ah oo qof iyo cod ah. Ha yeeshee, waxaa waqti badan oo saddex sano kor u dhaafay lumiyey hoggaanka siyaasadda. Haddaba, dowladda dhexe ayaa ku guul-darraysatay inay keento xal heshiis lagu yahay, mana ahan inay cudur-daar ka dhigatto fashilkeeda oo dib u dhigto waqtiga dooraashada. Tan kale, waa lama huraan in dadka Soomaaliyeed ay u fahmaan inaysan doorashadu aheyn dhacdo hal mar dhacda ee ay tahay hannaan heerar kala duwan leh oo u baahan wadatashi iyo diyaar-garow dheer.

Hadafka weyni waa inuu ahaadaa in ay dhammaan saamileyda siyaasaddu ka qeyb-qaataan in la gaaro doorasho qof iyo cod ah. Laakiin, hadda waa in lagu dadaalo in la helo heshiis siyaasadeed oo oo dhexmara dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda si looga heshiiyo hannaan doorasho oo hufan, loo-qaateen ah oo lagu maamulo doorashada 2020. Daraasadani waxa ay soo jeedisay hannaan doorasho hufan suurtagal ka dhigi kara waxaanna ugu magac darnay: Habka Ka-Qeybgalka Ballaaran (Expanded Participation Model). 

Talo-soo-jeedin

  1. Dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo xisbiyada siyaasaddu waa in ay wada-hadlaan si ay u gaaraan hab lagu qaban karo doorashada soo socota ee 2020. Jewiga siyaasadeed iyo kala-fogaanshaha siyaasiyiintu waxa uu halis weyn gelin karaa horumarkii la sameeyey labaatankii sano ee la soo dhaafay ee la xiriiray nabaddhis iyo dowlad-dhiska dalka.
  2. Dowlada dhexe waa in ay hoggaanka qaadato oo shir iskugu keento saamileyda siyaasadda si looga gudbo caqabadaha ragaadiyey siyaasadda, loona gaaro xal la wada leeyahay.
  3. Saamileyda siyaasaddu waa inay isla-qaataan in aan mar danbe lagu noqon doorasho dadban. Waana inay aqbalaan xaqa ay dadka Soomaaliyeed u leeyihiin inay doortaan wakiillada metelaya 2025.
  4. Dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo xisbiyada siyaasaddu waa inay ka wada hadlaan habka farsamo ahaan lagu xaqiijinayo qoondada dumarka, metelaadda gobolka Banaadir iyo habka iyo goobta lagu dooranayo xildhibaannada Soomaaliland.
  5. Dhammaan doorashooyinkii hore ee dalka soo maray, deeq-bixiyayaasha ama bulshada caalamka ayaa culaysinayey siyaasiyiinta Soomaalida si ay u suuragasho doorasho xiligeeda qabsoonta. Bulshada caalamka oo uu hormuud u yahay xafiiska Qararmada Midoobay waa inay ka qeyb-qaataan hirgelinta wadahadalka saamileyda siyaasadda. Weliba, Golaha Ammaanku waa inuu ku soo rogaa cunna-qabateyn ciddii diidda inay wada-hadalka ka qeyb-gasho si doorashada 2020-ka ay u dhacdo waqtigeeda.