MUQDISHO-AYAAMAHA-Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa laga soo waramayaa in xalay halkaasi ay weerar madaafiic ah isku weeydaarsadeen Ciidamada AMISOM iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig agagaarka Warshadii hore ee Dharka ee ku taalla Xaafada Xaawa Taako ee degmada Balcad halkaas oo fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Burundi oo kamid ah AMISOM.

Dad ku sugan degmada Balcad ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM dhankooda ay ku jawaabeen madaafiic dhowr ah,kuwaas oo ku dhacay Beero ku yaalla duleedka degmada Balcad,waxaana weli la xaqiijin khasaaro ka dhashay weerarkaasi madaafiicda ah.

Sidoo kale Bulshada ku nool degmada Balcad ayaa waxaa ay sheegeen in labadii habeen ee la soo dhaafay ay cabsi ballaaran soo wajahday,kadib markii ay soo bateen weerarada Madaafiicda ah ee lagu qaado Saldhiga Ciidamada AMISOM ee ee degmadaasi Balcad.

Sabtidii la soo dhaafay ee todobaadkaan ayaa Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay weerar ku qaadeen Ciidamo ku sugnaa Bar koontorool oo laga ilaaliyo degmada Balcad,waxaana weerarkaas ku dhintay hal Askari halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

Maamulka degmada Balcad iyo Saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya intaba weli kama hadlin weerarada maalmihii la soo dhaafay kusoo kordhay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.