Muqdisho-Ayaamaha-Warar lagu faafiyey Baraha internet ayaa lagu sheegay in Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran ay labo garab u kala jabeen balse waxaa warkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay Masuuliyiin katirsan Madasha.

Mar aan xiriir la sameynay madasha xisbiya qaran ayaa waxaa ay inoo sheegeen in wararkaas lagu faafiyey baraha bulshada uu yahay mid aan sal iyo raad laheyn.

”Waa been abuur sal iyo raad lahey oo ay fidinayaan dad cadowsaday midowga xisbiyada waxaana kuu cadaynayaa in warkas waxba kajirin ayna midaysan yihiin dhammaan Xisbiyadii ku midoobay Madasha” ayuu mar aan lahadalnay Masuul katirsan Hogaanka Madasha.

Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa mudooyinkii u dambeeyey gudahah iyo dibbada  waxaa ay ka wadeen dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, waxayna qal qal siyaasadeed ku abuureen madaxda Dalka.