Muqdisho-Ayaamaha-Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka Albaabada u xiran waxaa ay ka yeesheen sidii loo joojin lahaa shirkii magaalada Garowe ay ugu balansanaayeen madaxda maamul goboleedyada sida Jubbaland,Puntland iyo Galmudug.

Magaalada Garowe ayaa lagu waday inuu shirkaan ka dhaco maalmo ka hor waxaana hakiyay Madaxtooyada Soomaaliya ka dib markii ay qadka taleefanka ay ku wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni.

Farmaajo ayaa DENI ku wargeliyay inuu dib u dhigo shirka maamul goboleedyada ugu madlanaayeen magaalada Garowe si shirka u noqdo mid qeyb ay ka tahay Dowladda Federaalka,islamarkaana lagu xaliyo mad madowga maamul goboleedyada qaar kala dhaxeeyo Villa Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa dhankooda dib u dhigay safar ay ku tegi lahaayeen magaalada Garowe si ay halkaas uga arrinsadaan xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha taagan ee khilaafka iyo doorashada 2020ka uga horeeyaan.