Waxaa maanta Magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyey Allaha u naxariistee Wasiir kuxigeenkii Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xildhibaan Saqar Ibraahin oo lagu dilay weerarkii shalay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha golaha shacabka , Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa ka qeyb galay salaada Janaadasa oo Marxuunka lagula dukay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha  Shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi afgaaban oo mar walbo cibaadada Alle ku dadaala, daacad iyo howlkar ahaa, ku weyneyd Soomaalinimada iyo hormarinta dowladnimada Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Xillibaan Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa shalay kamid noqday dadkii Al Shabaab ku dileen weerarkii lagu qaaday xarunta Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshada ee kutaala degmada Shangaani.