Muqdisho-Ayaamaha-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu ka hadlay boobka maalmihii la soo dhaafay ka socday dalka Koonfur Afrika ee loo geystay goobo ganacsi ay leeyihiin dad Ajaanib ah iyo kuwo ay leeyihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in Muwaadiniinta Soomaaliyed ee ganacsiga ku leh Koonfur Afrika ee hantiyooda lagu boobayo halkaas ay u baahan yihiin heer Qaran.

“Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xadgudubka dilka iyo dhaca isugu jira loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika waxay u baahan yihiin hiil qaran. Dawladaha dhibka loo geystay muwaadiniintooda way ka falceliyeen. Wadamada qaar madaxdooda ayaa toos isugu xilqaamay, halka kuwo kale na ay ergooyin gaar ah u direen dalka K. Afrika. Madaxda dawlada federaalka ah waxaan ka doonaynaa in ay xil iska saaraan waxna ka qabtaan dhibka haysta muwaadiniinteena ku nool Koonfur Afrika”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Maalmihii la soo dhaafay dalka Koonfur Afrika waxaa ka socday Banaanbaxyo iyo boob xoogan oo loo geystay goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin dadka Ajaanibta ee halkaas ku nool oo ay kamid yihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed.