DH/MAREEB-AYAAMAHA-Kulanka gaar ah ee xalay yeesheen Madaxweyneyaasha Maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa uu daba socday Shirkii shalay Dhuusamareeb uga furmay, kaasi oo looga hadlay Arrimo kala duwan.

Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in kulankii dhacay looga hadlay arrimaha xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo dhaqan geli lahaa qodobadii laga hadlay.

Afhayeen ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in kulamada Madaxweyneyaasha maamulada ay sii socon doonaan, isla markaana markii dhamaadan laga soo saari doono War-murtiyeed lagu heshiiyay.

Madaxda Maamulada ayaa shirkii shalay ka jeediyey Khudbado kala duwan oo inta badan diirada ay ku saareen Arrimaha Doorashooyinka dalka ka dhaca, isla markaana dhamaantood ay ku baaqeen in Doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

Amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaa siweyn loo adkeeyay, iyadoo sugida amniga ay ka qeyb qaadayan Ciidanka Galmudug iyo Ilaalada la socda Madaxda Maamul Goboleedyada.