MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti ayaa waxaa ku wehlin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Wasiir Cawad iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Ujeedka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ee dalkaas ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Shir Maanta u furmaya Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu shir Guddoomin doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa lagu Casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaasi oo goobjoog ka noqon doona Shirka dhexmarin doona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka ambabixi doona Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Guurtid Maamulkaas, wasiirka arrimaha debedda iyo xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka, iyagoo kusii jeeda Jabuuti.

Shirka oo furmi doona saacadaha soo socda ayaa waxaa weli la shaacin Ajendayaasha looga hadli doono, hayeeshee Shirkaas ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa wada-hadallo horey u dhexmaray labada dhinac.