Muqdisho-Ayaamaha-Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in maanta xarunta Dambi baarista CID-da lagu xiray Cabdimaalik Yuusuf oo ahaa Madaxa canshuurta cargo iyo Jaadka kasoo dega garoonka Muqdisho.

Xafiiska Hanti dhowraha Qaranka ayaa Cabdi Maalik iyo 8-xubnood oo kale ayaa la sheegay in kusoo eedeeyay musuq maasuq, waxaana xubnahan la xiray ku socda baaritaano laamaha amaanka gaar ahaan kuwa Musuq maasuqa la dirira ku wadaan.

Xafiiska Hanti Dhowraha Qaranka ayaa la sheegay in baaritaano iyo dabagal kadib ay ku ogaadeen in xubnahan la xiray ay ku howlanaayeen musuq maasuq iyo wax isdaba marin, waxaana la filayaa in dadkan maxkamad lasoo taago.

Mas’uuliyiinta  la xiray ayaa waxaa ka mid ah:

  1. Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdi Maalik
  2. Madaxii Qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde, Cabdiweli
  3. Ninkii qaabilsanaa tirinta Qaadka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan.
  4. Madaxii Qeybta xisaabaadka ee Garoonka Cabdirisaaq

Sida aab Wararka ku helayno waxaa hadda gaaray Garoonka Aadan Wasiirka Maaliyadda Beyle iyo ku xigeenkiisa Qaloocow kuwaas oo halkaas u tagay inay ogaadaan sababta ay xubnahaan u xiran yihiin.

Qaadkii imaan jiray gudaha Muqdisho ayaa Sidoo kale saacado badan ku xayirnaa Garoonka Muqdisho, waxaana lasoo fasaxay xilli dambe oo galabta ah.

Cabdimaalik Yuusuf oo ah Milkiilaha Idaacada Shabelle ayaa mudooyinkii dambe ahaa shaqaale katirsan Wasaarada Maaliyada gaar ahaan qeybta canshuuraha uu u qaabilsan garoonka gaar ahaan canshuurta laga qaado jaadka Muqdisho kasoo dega.