MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib ka soo sheegi doonto waqtiga Cusub ee uu qabsoomayo kulanka la wada sugayo ee Golaha Amniga Qaranka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in u jeeada shirkaasi loo qabanayo ay ka go’an tahay in laga dhabeeyo ayna kasoo baxaan qodobo dan u ah ajendeyaasha qaran ee laga wada hadlayo.

“Waqtiga cusub ee uu qabsoomayo kulanka la wada sugayo ee Golaha Amniga Qaranka waxa la iclaamin doonaa xilliga ku habboon. Ujeeddada shirka loo madlanyahay waa in laga dhabeeyo rabitaanka xooggan ee ay shacabku ku doonayaan inuu kulanku dhaco, ayna ka soo baxaan qodobo dan u ah ajendeyaasha qaran.

Sababaha uu shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo u baaqday ayaa waxaa kamid ah inay diideen ka qeyb-galka Shirka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland,kuwaas oo tabasho ka qaba Dowladda Madaxweyne Farmaajo.