MUQDISHO-AYAAMAHA-Aadam Faarax Ibraahim Madaxweyne ku xigeenkii dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa loo doortay Gudoomiyaha Aqalka sare ee barlamaanka Itoobiya.

Aadan oo Gobolka Soomaalida caan ka ah ayaa badalaya Keria Ibrahim oo horay u ahayd afhayeenka Aqalka Sarre ee baarlamaanka Itoobiya Taasoo Isniinta Is casishay,

Keria Ibrahim ayaa kasoo jeeda Qowmiyada Tigreeyga waddankaas,Qowmiyadda ayaa aad uga soo horjeeda qaabka uu wax u maamulayo ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Warbaahinta waxay kasoo xigatay Keria Ibrahim in ay isu casishay markii qoonsatay hogaamintiisa,sidoo kalena ay ka muransan tahay dib u dhaca Doorashada.

Geesta kalena Kadib Doorashada Gudoomiye Aadan Waxaa jagada ku Xigeenka Baneeyey Maxamed Rashidi oo kasoo Jeeda Dowlada Deegaanka Soomaalida,Talaaab La xariirta Awood Qaybsiga Qowmiyadaha Dalkaas.

Etsegenet Mengitu ayaa badalka Maxamed loo dhaariyey Ku xigeenka Aqalka sare ee Barlamaanka Dalkaas.

Dhinaca kale, golaha Senate-ka ayaa muddo kordhin hal sano ah u sameeyay xukuumadda Abiy Axmed cudurka Covid-19 dartiisa. Sidoo kale, dhamaan ismaamul goboleedyadda ayaa waqti loogu daray.

Aadam Faarax Ibraahim ayaa Noqonayaa Soomaaligii ugu hore ee jago intaas la fac ka qabto Barlamaanka Ethiopia,Balse Horay Soomaalida ayaa u heystay Kursiga Ku xigeenka Gudoomiyaha.