Madaxweynaha dalka Algeria Cabdul Casiis Mutafliqa ayaa la sheeay inuu isaga haray  tartanka Madaxtinimada dalkaas oo la filayo in dhawaan ay doorasho ka dhacdo.

Bayaan laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu yiri in markii Shanaad uusan u tartami doonin xilkaas,sababo la xiriira dhinaca Caafimaadka xilli dalkaaasi ay todobaadyo ka socdeen banaanbaxyo looga soo horjeedo in Madaxweyne Cabdul Casiis Mutafliqa uu isa soo sharaxo.

Madaxweynaha dalka Algeria ayaa shalay oo Axad aheyd waxa uu kasoo laabtay dalka Switzerland halkaas oo uu xaalad Caafimaad u jiray, waxaana uu dib u dhigay doorashada dalka Algeria oo la filayay inay dhacdo 18-ka Bisha Apriil ee Sanadkaan 2019.

Guddiga dooraashooyinka iyo Xukuumadda Algeria ayaa waxa ay go’aamin doonaan Waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada, hayeeshee waxaa la isweeydinayaa intaasi maku ekaan doonaan banaanbaxyadii ay dhigayeen dadka reer Algeria.