Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Garowe waxa uu kaga hadlay Dilkii maanta loogu geystay Magaalada Boosaaso Agaasimihii Hay’ada DP World.

Madaxweyne Dani waxaa uu ka tacsiyadeeyey Geerida Paul Anthony Fermosa iyadoo uu sheegay in Laamaha amniga ay gacanta ku hayaan kiiskaasi qaabka uu udhacay.

Puntland waxay sheegtay inay dhambaal cambaareyn ah udireyso Shirkada DP World oo ay kaga xun yihiin Qaabkii dilkaas loo geystay.

Waxa uu madaxweyne Dani weerar Afka ah ku qaaday Ururka Al Shabaab uuna ku hanjabay inay Tallaabo Culus ka qaadi doonaan kuwa Caadeystay baabi’inta Shacabka Puntland.

Ugu dambeyn Madaxweyne Siciid Dani ayaa ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Al Shabaab iyo kooxaha Argagaxisada ah,iyadoo la sheegayo in xaalad Amni daro kusoo korortay Deegaanada Puntland.