MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG OO SOO DHAWEEYAY MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE.

MUQDISHO_AYAAMAHA–¬†Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuusamareeeb kusoo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa caasimadda Dowladda Galmudug usoo gaaray si uu uga qayb galo shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ka furmi doona Dhuusamarreeb.