Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Burundi ayaa xalay waxaa dalkaasi loogu sameeyay munaasabad Casho sharaf ah oo uu ku marti qaaday Madaxweynaha dalkaasi Burundi Pierre Nkurunziza.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa Burundi ku wehliya masuuliyiin oo ay ka mid yihiin Wasiika Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed(Amar-dambe) iyo taliyaha Ciidanka xoogga Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) iyo masuuliyiin kale.

Intii ay socotay munaasabadda Casha sharafta ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalkas ee Burundi Pierre Nkurunziza,waxaana ay kulankooda kawada hadleen kamid ahaa xaalada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo lafilyo in dhowaan  Howlgal la bilaabo.

Ayadoo weli u harsan yahay kulamada kale ee gaar gaarka ah ee labada Madaxweyne ayaa waxa ay sigaar ah uga hadleen Ciidamada Burundi oo ka mid ah howlgalka AMISOM oo la qorsheeyay inay sanadkaan gudihiisa ka baxaan dalka wallow walaac farabadan laga muujiyay bixitaanka ciidanka AMISON.

Burundi ayaa waxa ay ka mid tahay wadamada ay ciidamada farabadan ka joogaan Soomaaliya,waxaaana dhawaan la qorsheeyay in in ka badan 1,000 Askari oo ka mid ah ciidamadooda ay ka baxaan deegaano ka tirsan Hir-Shabeelle,iyada oo madaxda Maamulkaas ay cabasho ka muujiyeen Bixitaanka Ciidankaas ayagoona sheegay in Wali ay jirin Ciidan Kufilan Amniga Soomaaliyaay.