MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay Maanta gaaraan degaanka Balanbale ee Gobolkaasi Galgaduud.

Madaxweyne Qoor Qoor oo socdaal ku marayay degaano ka tirsan Galmudug ayaa xalay waxaa uu ku hoyday degaanka Xeraale,waxaana qorshuhu yahay in Gelinka dambe ee Maanta uu tago degaanka Balanbale.

Wafdiga Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa ay xalay kulamo kala duwan la qaateen Maamulka iyo qeybaha kale ee Bulshada,waxaana isaga oo la hadlayay Bulshada degaankaas uu sheegay inay ku guuleysteen sugida amniga degaankooda.

Ammaanka degaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud ayaa aad loo adkeeyay,waxaana deganaakaasi gaaray wafdi horudhac u ah safarka Madaxweynaha Galmudug.