DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cadi Kaariye ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Boqolaal Dadweyne ah ayaa Madaxweynaha iyo Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo soo dhaweyn ugu sameeyay Afaafka hore ee Madaxtooyada Cadaado,isaga oo Bulshada halkaasi kula hadlay.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa uga mahad celiyay sida wanaagsan ay usoo dhaweeyeen, waxaana uu sheegay in uu kulamo la qaadan doono Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cadi Kaariye ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa safaro kala duwan uu ku marayay degaano ka tirsan Gobolada Mudug Galgaduud isaga oo socdaalkiisa ka bilaabay Magaalada Cadaado oo maanta uu markale dib ugu soo laabtay.