Madaxweynaha Galmudug Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Abdulle ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socday Maamulka gobolka Banaadir, xubno ka kala socday Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha Galmudug uu ku yimid Muqdisho ayaa ah ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ka furmaya Maalinta Sabtida ah.

Madaxweynaha Koonfur galbeed cabdicasiis lafta gareen ayaa sidoo kale galabta soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka wadatashiga Qaran ee looga hadli doono doorashooyinka dalka.