Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo kulan la qaatay beel ka mida Hirshabelle.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Baadi Cade iyo Ciise Mudullood.

Madaxweynaha oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Waxgaradka beelahaan ayaa ka dhagaystay tabashooyinka ay qabaan iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta kala dhaxeysa Maamulka. Isagoo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka bulshada.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay nabadoonada iyo waxgaradka beelahaan dooorkii muuqday ay ku lahaayeen aas aaska Hirshabeelle iyo garab istaaga muuqda ay la garab joogaan Dowladda, waxaana uu balan qaaday inay heli doonaan xuquuq walba oo kaga maqan Dowladda Hirshabeelle.