Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo maanta sheegay hadal ay ku farxeen dad badan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa sheegay in si nabad ah ugu soo geba-gabowday doorashadii xubnaha Aqalka Sare dhawaan qabashada ku leeyahay ka dhacday Maamulka Hir-Shabeelle.

Guudlaawe oo lagu amaanay doorashadii ka dhacday maamulkiisa ayaa tilmaay in si cadaalad ah ay u qabteen doorashadii Aqalka Sare.

Guuaawe Xuseen ayaa sidookale sheegay inay ka go’an tahay in si lamid ah doorashadii Aqalka Sare ay u qabteen uu u balan qaadayo inay u qaban doonaan doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Inkastoo ay jirtay is qabqabsi iyo cadaaladarro ay ka sheeganayeen musharaxiinta qaar doorashadii ka dhacay HirShabeelle hadana intabadan Bulshada Soomaaliyeed ayaa u arkaayey in Guudlaawe uu yahay Maamulka keliya ee si cadaalad ah loogu dartamay kuraastii siddeeda ahaa ee Aqalka sare ee HirShabeelle.