Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Talyaaniga Kala Hadlay Dhibaatada Fatahaadaha

JOWHAR-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.

Kulankaan ayaa looga hadlay Arrimaha fatahaadaha uu sameeyay Webiga Shabeelle, Amniga iyo fulinta Mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh bulshada Deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Ambassador  Alberto Vecchi Safiirka Dowlada Talyaaniga ee Soomaaliya la wadaagay Xaaladaha  fatahaada ee hada taagan iyo sidii loo caawin lahaa dadkii ku barakacay fatahaada Wabiga shabeelle oo ay ku barakaceen in kabadan toban kun oo qoys.

Kulanka inta uu Socday Waxaa la iskula soo qaaday Dhismaha iyo Tababarada Ciidamada Booliiska,  Daraawiishta Fulinta Mashaariicyo Horumarineed oo wax tar u leh Bulshada sida Isbitaalo iyo Adeegyo kale oo Muhiim ah iyo Sidoo kale Dhismooyinka Garoomada Diyaaradaha Magaalooyinka iyagoo Balan Qaaday in Sanadka Cusub ay Magaalada Baladweyne nooga Dhisi Doonaan Airport Caalami ah.

Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyay Dowlada Talyaaniga Taagerada ay dadka Soomaaliyeed la Garab taagan yihiin Gaar ahaan Shaqooyinka ay ka wadaan Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Ganacsiga Dowlada Hirshabeelle.