Moqdisho-(Ayaamaha)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa saakay booqasho ku imaanaya magaalada Muqdisho,waxaana la xanibay isku socodka gaadiidka iyo dadka,waxaana la arkayay boqolaal shacab ah oo lugaynaya jidadka halbowlaha ah ee magaalada.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran iyada oo lagu wado in Muqdisho ay booqasho ku imaan doonaan wefdi heer sara ah oo ka socda dalka Jabuuti,iyada oo diyaar garowgaas si weyn looga dareemayo saakay.

Madaxweynaha Jabuuti lama shaacin waqtiga ay qaadanayso booqashadiisa Muqdisho hase’ahaatee waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra’isul-Wasaaraha Xukuumadda fedraalka Smalia.