Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo goor dhow shir jaraa’id qabtay ayaa ku dhawaaqay in saacad ka hor la soo gabagabeeyay howlgalkii Ciidamada ammaanka ka wadeen dhismaha Hotelka DusitD2 oo ay shalay gudaha u galeen rag dabley hubeysan.

Kenyatta ayaa shirkiisa jaraa’idka ku sheegay in la dilay dhamaan argagixisadii weerarka ku qaaday hotelka, xaaladana ay iminka gacanta ku hayaan Ciidamada Ammaanka

Mdaxaweyne Kenyatta ayaa sheegay in 14 ruux ay ku geeriyoodeen weerarka, waxaa uu ammaanay sida Ciidamada ammaanka uga fal celiyeen weerarkaas iyo howlgalka ay sameeyeen.

Mr Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in illaa 700 oo qof la soo badbaadiyay, waxaana dadka dhaawacmay u rajeeyay caafimaad degdeg ah, halka kuwa dhintay uu eheladooda u tacsiyadeeyay.