DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Dhuusamareeb waxaa goorhow ka degay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo ka ambabaxay Magaalada Baydhabo ee xaruunta KMG ah ee K/galbeed.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ammanaka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana saacadaha soo socda la filayaa in ay Magaalada Dhuusamareeb tagaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland si ay uga qeyb galaan Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada.