Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Oo Dib Ugu Soo Laabtay Moqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha maamul goboleedka Hir-shabeelle Ali Guudlawe Hussein oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay wadanka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha waxaa garoonka diyaaradaha Aden Cadde International Airport ku soo dhaweeyey Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble Wasiiro heer Federaal, Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.