MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ka dalbaday inay ansixiyaan heshiiskii ay Doorashada ka gaareen Madaxda dowladda, maamul Goboleedyada iyo Duqa Muqdisho.

Saciid Deni ayaa sheegay in shirkii wadatashiga ee Muqdisho lagu qabtay uusan gaar u aheyn Madaxweyne Farmaajo, Madaxda maamulada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, hayeeshee go’aan looga gaaray maslaxada dalka iyo tan  shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in heshiiska doorashada xildhibaanada laga doonaayo in ay meelmariyaan oo ay ku qancaan sidii loo hirgalin lahaa, xilli inta badan xildhibaanadii goobta khudbada ka jeediyay ay cabasho ka muujiyeen.

Waxaa uu ugu baaqay in la iscafiyo oo si guud looga wada shaqeeyo in doorashada guud ah ay dalka ka dhacdo.

Waxaa uu sheegay in la doonaayo in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee afartii sano ee lasoo dhaafay kasoo horjeeday asaga uusan ku colaadin doonin ay ka haraan tartanka xildhibaanada.