Garowe-Ayaamaha-Wefdigaan oo uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi  Deni ayaa goordhow waxa ay ka duu;een garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaana ay ka qeybgelayaan xcaleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Madaxweyne Deni iyo wafdiga la socda ayaa waxaa ay ka  qeyb-geli doonaan Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kisamayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Magalada Kismaayo ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wufuuda kala duwan ee Xaflada Caleema saarka Axmed Madoobe halkaasi u tageysa, iyada oo aad loo adkeeyey Amniga Guud ee Magalada Kismaayo.

Shalay ayaa safar madaxweynaha Puntland uu ku tegi lahaa magaalada Kismaayo uu dib u dhac ku yimid kadib kulamo aan kala go’laheyn oo ay la yeelanayeen wefdi ka socday dowladda oo kula kulmay Boosaaso.