Madaxweynaha Puntland oo magacaabay xilal cusub.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 21ka January 2022 kuna magacaabid Wasiir, iyo Wasiir ku-xigeen ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

1. Waxaa Axmed Yaasiin Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda.

2. Waxaa Xasan Cabdalle Xasan loo magacaabay Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.