Madaxweynaha Puntland Oo Safar Ugu Amba-Baxay Magaalada Nairobi

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maadxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta u amba-baxay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka ama-baxay Magaaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo uu dhawaan tagay, walina lama shaacin u jeedka safarkiisa.

Tan iyo markii lasoo gaba-gabeeyay shirkii wadatashiga qaran ee Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay, waxaa jiray warar sheegayay in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi deni uu safar ku mari doona Maamul Goboleedyada dalka.

Waxaana Safarkiisii ugu horreeyay tan iyo shirkii wadatashiga qaran uu ka billaabay Dowlad Goboleedka jubbaland, halkaasoo siw eyn loogu soodhaweyay, waxaana hadda uu kaga sii gudbay Magaalada nairobi ee caasimadda dalka Kenya.