MUQDISHO-AYAAMAHA-Afti loo qaaday wax ka badalka dastuurka dalka Ruushka oo maalmahan socday ayaa waxaa lagu ansaxiyay dastuurkaasi, isagoona dhigaya in madaxweynaha iminka talada dalkaasi haya ee Vladimir Putin uu xilka sii hayn karo 16 sano oo hor leh ama ilaa sannadka 2036-ka.

Boqolkiiba 78, waxaa ay u codeeyeen dastuurkan cusub, kaas oo sidoo kale mamnuucaya guurka dadka isu jinsiga ah, ogolaanaya in lacagta loo kordhiyo dadka howl-gabka ah iyo in markii ugu horreysay dastuurka lagu daray magaca ILAAHAY.

Madaxweyne Putin ayaa laba jeer oo isku xigta madaxweyne kasoo noqday dalka Ruushka, sanadihii  2000 ilaa 2008, waxaana u xigay afar sano oo r/wasaarenimo ah.

Waxaa dabadeed wax laga badalay dastuurka dalka oo u ogolaaday in uu mar kale xilka madaxweyne isku soo sharrixi karo labo jeer oo min 6 sano ah, waxaana ay uga bilaabatay 2012 ilaa 2018, halka jagadan uu iminka hayana uu ku fadhin doono ilaa 2024.

Qaar ka mid ah mucaaradka dalkaasi ayaa kasoo horjeestay wax ka badalka dastuurka kaas oo ay sheegeen in loogu daneynayo oo kaliya madaxweyne Putin oo ay sheegeen in uu doonayo in uu xilka dalkaasi hayo inaa uu ka dhinto.

Tan iyo intii uu soo maamulayay dalka Ruushka madaxweyne Putin ayaa horumaro ballaaran gaarsiiyay dalka Ruushka, isagoona sidoo kale soo celiyay sumcaddii dalkaasi ee dhulka gashay sagaashamaadkii.