Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Dib Ugu Laabtay Hargeysa.

Hargeysa-Ayaamaha-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayey oo safar ugu maqnaa dalka Jabuuti, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Muuse Biixi ayaa waxaa ay dalka Jabuuti uga qeyb galeen caleemo-saarka madaxweynaha dalka Jabuuti oo maalintii shalay ahayd qabsoontay, iyada oo madax kala duwan oo Afrikan ah ay ka qeyb galeen munaasabadda.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mudnaan gaar ah siisay Madaxweynaha Soomaaliland taas oo dad badan ay ka falceliyeen.