Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu ka qayb galay Shirka Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka dalka Masar.

Shirkan ayaa waxa lagu lafo-guray arrimaha ay wadaagaan labada dhinac iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka tahriibka iyo isbeddelka cimilada.

Farmaajo oo Shirka Khudbad ka jeediyay ayaa bogaadiyay qabsoomidda shirka isaga oo xusay in iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub uu muhiim u yahay xallinta caqabadaha horyaalla labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa magaalada Sharm El-Sheikh wuxuu shir gar gaar ah la yeeshay madaxda dalalka Ciraaq, Talyaaniga iyo Faransiiska, isaga oo kala hadlay inay dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab istaagaan dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida iyo sidii deynta lagu cafin lahaa Soomaaliya.