Muqdisho-{Ayaamaha}-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiinta ah ee ku dhintay weerarkii ka dhacay masaajidyo kuyaal dalka Newzealand, guud ahaan gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay.

Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii halkaasi ku dhintay,isagoo sidoo kale dowladda iyo shacabka Newzealand tacsi u diray,una rajeeyey dadka dhaawacmay caafimaad deg deg ah.

Waxaa kaloo ka tacsiyadeeyey Ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre  dadkii muslimiint ahaa ee weerarkaasi ku dhintay,wuxuuna Ra’iisul wasaaraha dalka si gaar ah uga tacsiyadeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkaasi.

Kudhowaad 49 qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday masaajidyo kuyaala Christchurch ee dalka New Zealand.